Soomaaliya oo maalin walba la keeno 50-tan Jaad ah

Image
Xukuumadda federaalka ayaa la wariyay in ay ogolaatay ballaarinta shixnada oo kalkii hore ahayd 19-tan maalintii.

NAIROBI, Kenya - Soomaaliya ayaa ogolaatay in ka badan laba jibaar mugga qaadka Kenya loosoo dhoofiyo, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah gaar ahaan wargeyska Business Daily Africa.

Talaabadan ayaa, sidda ku xusan warbixinta, waxay ballaarinaysa fursadaha beeralayda Jaadka Kenya kuwaasoo macaash badan ka hela suuqa maandooriyahan ee Muqdisho.

Sida ku cad qormadda, 50-tan Jaad ah ayaa si maalinle ah ay Jaadleyda Kenya u soo dhoofiyaan Soomaaliya waxaana 19-tan kamid ah shixnadaas ay yimaadaan magaala madaxda Muqdisho.

Ganacsiga labada dal ayaa waxa uu dib u billowday sannadkii hore bishii Luulyo ka dib markii xukuumadda Muqdisho ay qaadey xayiraadii lasoo rogay sanadkii 2020 sababo salka ku haya dood siyaasi ah.

Madaxa Iskaashatada Jaadleyda ee Kenya, Felix Mutwiri, ayaa shaaca waxa uu ka dhigay in ay ku faraxsan yihiin ballaarinta tirada shaxnida ay dhoofiyaan balse waxa uu walwal ka muujiyaan shuruudo.

"Ilaa hadda waxaa naloo oggol yahay in aan ugu yaraan 50 tan oo Miira ah u soo rarno Muqdisho maalintii," ayuu yiri Mr Mutwiri. "Balse waxaa ka walaacsan nahay amarka ku saabsan in la diiwaan-geliyo".

Kiilooga Miiraha Kenya ayaa  hadda Soomaaliga ka maraya $23 balse ganacsatadu waxa ay sheegeen in uu weli ka hooseeyo marka loo eego 25 Doollar oo uu ka heli jiray ka hor inta aan suuqa la xidhin.

Bishii Oktoobar ee sannadkii hore, Kenya waxa ay ka soo gashay iibka miiraha ee Soomaaliya ugu yaraan $32 milyan oo doolar kadib markii ay u dhoofisay ugu yaraan 1.2 milyan kiiloogaraam oo Qaad/Jaad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM