South Sudan oo maalgashi u raadineysa 14 xirmo shidaal ah

Image
Koonfurta Suudaan waxay leedahay kaydka saliida ee saddexaad ee ugu weyn wadamada saxaraha ka hooseeya.

JUBBA, Suudaanta Koonfureed - Dowladda South Sudan ayaa iibinaysa 14 xirmo oo saliid ah si ay u kordhiso wax soo saarka maxaliga oo colaadaha ka hor ahaa 350,000 oo foosto maalin kasta.

Chol Deng Thon Abel, maamulaha shirkadda shidaalka ee ay dowladdu leedahay ee Nile Petroleum Corporation Limited (Nilepet), ayaa wariyeyaasha ugu sheegay caasimadda Juba Arbacadii in xiisaha warshadaheeda batroolka uu sii kordhayo.

Inta badan xirmooyinka saliidda iyo gaasta ee Koonfurta Suudaan ayaan weli si buuxda loo sahamin lana qiimayn kheyraadka kadib markii ay hakad geliyeen colaado.

“Waxa aanu haynaa 14 xirmo oo shidaal ah oo aan la qaadin, waxaanu ku martiqaadaynaa shirkadaha caalamiga ah ee halkan u jooga inay ka faa’iidaystaan ​​fursada ay ku dalban karaan baloogyadan," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Run ahaantii Koonfurta Suudaan waxay aad ugu mashquulsan tahay maalmahan sidii ay u soo jiidan lahayd shirkado caalami ah oo yimaadda oo maal-gashi ku sameeya warshadaha shidaalka".

"Shirkan waa madal aad u wanaagsan oo fikrado la isku dhaafsado shirkadaha caalamiga ah,” ayuu ka yiri Mr Abel gebagebadii shirka 5-aad ee madasha shidaalka iyo tamarta.

Koonfurta Suudaan waxay leedahay kaydka saliida ee saddexaad ee ugu weyn wadamada saxaraha ka hooseeya, waxaana lagu qiyaasaa 3.5 bilyan fuusto, iyadoo kaliya boqolkiiba 30 dalka laga sahamiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM