Sudan: Guddiga Denbiyada dagaalka oo la dhaariyay

Image
Image
Image

KHARTOUM, Sudan - Guddiga cusub ee lagu magacaabo guddiga denbiyadda dagaalka iyo tacadiyada ay gaysteen xoogaga " Dacm-Sariic" ayaa gutay dhaarta Dastuuriga ah.

Madaxweyne ku xigeenka golaha madax-banaanida ee dalkaas, Maalik Caqaar ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda .

Dagaalka Suudaan ayaa waxaa ka dhashay dhibaatooyin rayidka gaaray iyada oo golaha Milatariga ee guddigaan magacaabay ay ku eedeynayaan "Dacm-Sariic" in ay u geysteen dhibaatooyin rayidka.

Dhacdooyinka la diiwaan-geliyay ee ay warbaahintuna tabisay ayaa waxaa kamid ah in xoogaga "Dacm-Sariic" ay galeen isla markaana ilaa haatan ay saldhigyo ka dhigteen guryihii muwaadiniinta ee magaalooyinka waawayn kedib markii Milatariga Suudaan ay duqeymo ku wadaan xeryahoodi.

Meelaha lagu eedeeyay in "Dacm-sariic" ay dageen waxaa kamid ah safaarado iyo xarumo dublamaasiyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM