Sudan: Guddiga Denbiyada dagaalka oo la dhaariyay

Image
Image
Image

KHARTOUM, Sudan - Guddiga cusub ee lagu magacaabo guddiga denbiyadda dagaalka iyo tacadiyada ay gaysteen xoogaga " Dacm-Sariic" ayaa gutay dhaarta Dastuuriga ah.

Madaxweyne ku xigeenka golaha madax-banaanida ee dalkaas, Maalik Caqaar ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda .

Dagaalka Suudaan ayaa waxaa ka dhashay dhibaatooyin rayidka gaaray iyada oo golaha Milatariga ee guddigaan magacaabay ay ku eedeynayaan "Dacm-Sariic" in ay u geysteen dhibaatooyin rayidka.

Dhacdooyinka la diiwaan-geliyay ee ay warbaahintuna tabisay ayaa waxaa kamid ah in xoogaga "Dacm-Sariic" ay galeen isla markaana ilaa haatan ay saldhigyo ka dhigteen guryihii muwaadiniinta ee magaalooyinka waawayn kedib markii Milatariga Suudaan ay duqeymo ku wadaan xeryahoodi.

Meelaha lagu eedeeyay in "Dacm-sariic" ay dageen waxaa kamid ah safaarado iyo xarumo dublamaasiyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM