Suudaan: Al-burhaan oo kala diray Ciidamada RSF

Image

KHARTOUM, Suudaan - Hoggaamiyaha golaha Madaxbanaanida Suudaan Sarreeya gaas Abdel Fattah Abdelrahman Burhan ayaa Arbacadii, soo saaray wareegto dastuuri ah oo lagu kala dirayo Ciidamada RSF.

Golaha Madaxbanaanida ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Al-Burhaan waxa uu faray taliska guud ee ciidamada qalabka sida, xoghaynta guud ee golaha madaxbanaanida iyo dhinacyada kale ee ay khusayso inay go’aanka dhaqan galiyaan.”

Waxa uu raaciyay, “Go’aankani waxa uu ku imanayaa cawaaqib xumadii ay ciidamadani ku kaceen dawladnimada, xad-gudubyadii waaweynaa ee ay muwaadiniinta u geysteen, iyo sida badheedhka ah ee ay u burburiyeen kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Waxa u intaass ku daray in Ciidamada RSF ay ku xad-gudbeen hadafkii, hawlihii loo igmaday, Mabaadi'da aasaaskooda oo ku jira Sharciga Ciidamada Taageerada Degdegga ah."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM