ٍSuudaan: Al-Burhaan oo khudbad u jeediyay shacabka kana hadlay mowqifka ciidankiisa

Image
SAWIR HORE

KHARTOUM, Sudan - Madaxa golaha madax banaanida ee Sudan, Cabdifataax Al-Burhan, ayaa Isniintii sheegay in Sudan ay wajahayso shirqoolkii ugu weynaa ee taariikhda casriga ah.


Qudbada uu jeediyay madaxa golaha madaxbanaanida ee Sudan Abdel Fattah Al-Burhaan ayuu ku sheegay in shirqoolkan lagu bartilmaameedsanayo jirtiaanka iyo Mustaqbalka shacabka Suudaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in shacabka Sudan ay wajahayaan dhibaatooyin arxan darro ah oo ay kusoo rogeen argagixisada Hemedti.

“Waxaan marqaati ka nahay dambiyo aan horay dalka uga dhicin, ciidamada qalabka sida waxay la garab taagnaan doonaan shacabka inta laga gaarayo doorasho xor ah, waxaanu dhawaan u dabaal degi doonaa guusha aan ka gaari doonno jabhadaas arxan darrada ah.” ayuu yiri Al-Burhaan.

Waxaa xusid mudan in Suudaan ay soo food saartay xaalado nololeed iyo kuwo bini’aadantinimo oo aad u adag, tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dalkaas iyo xoogaga Gurmadka Degdega bartamihii bishii April.

Dagaalka ka socda dalka Suudaan oo inta badan ka socda magaalada Khartoum iyo nawaaxigeeda, iyo qaar ka mid ah gobollada koonfureed, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 3,900 oo qof, iyadoo in ka badan 4 milyan oo kalena ay ka qaxeen guryahoodii, sida ay xustay Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM