Suudaan oo iska fogaysay in ay taageerto TPLF

Image
Bil ka hor ayay ahayd markii jabhadda TPLF ay u muuqatay inay duulaan ku tahay Addis Ababa.

KHARTUUM, Suudaan – Madaxa Golaha Sare ee Suudaan Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay in Khartoum aysan taageersanayn Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ee Itoobiya, sida uu sheegay TV-ga al-Hadath oo soo xiganaya hadalka al-Burhan Jimcihii.

“Dhulkeena waxaan uga soo celin doonaa Itoobiya wada xaajood, ma aha in xal ciidan lagu gaaro,” ayuu raaciyay, sidda ku xusan warbixinta telefishinka.

Suudaan ayaa dhowr jeer waxaa lala xiriiriyey in ay taageerto TPLF oo dagaal kula jirta Addis Ababa. Milateriga Itoobiya ayaa todobaadkan dib ula wareegay gacan ku haynta dhul ay horay u sheeganayeen fallaagada Tigreega.

Bil ka hor ayay ahayd markii jabhadda TPLF ay u muuqatay inay duulaan ku soo jirtay, iyagoo sheegay inay qabsadeen Dessie iyo Kombolcha, oo ku yaalla waddo muhiim ah oo ku wajahan caasimadda Addis Ababa.

Dagaalka waqooyiga Itoobiya ayaa qarxay bishii Nofeembar 2020 markii Abiy uu u diray ciidamo si ay xukunka uga tuuraan kooxda TPLF. Tillaabadan ayuu sheegay in ay jawaab u tahay weerarrada TPLF ay ku qaaday xeryaha ciidamada federaalka.

Warbaahinta dawladu waxay kaga jawaabtay guul-wadayn darbi-ilaa- gidaar ah. "Cadowgu wuu burburay, wuuna kala yaacay”, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Itoobiya oo qudheeda soo xiganeysa Abiy Khamiistii.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay dowladdu u heshay guulaheeda iyo waxa ay ula jeedaan natiijada ugu dambeysa ee dagaalka sanadka jirsaday ayaa ah qodobbo dood adag ka taagan tahay iyadoo dagaalku uu galayo waji cusub oo aan la hubin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM