Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu celiyay Rwanda

Image
Rwanda ayaa ah dalka kaliya ee Afrika ee saxiixay heshiis loogu celinayo qaxootiga Afrika kasoo jeeda.

KIGALI, Rwanda - Dad tahriiyabaal ah oo ku dhibaataysnaa dalka Liibiya oo ay ka midyihiin dad Soomaali ah ayaa la geeyay dalka Rwanda, halkaas oo loogu diyaariyay xarumo lagu qaabilo. 

Kooxdii 11-aad oo muhaajiriin ah ayaa xalay laga dajiyay garoonka Kigali, kuwaas oo ka kooban 101 oo magangalyo doon ah, 10 ka mid ahna ay Soomaali yihiin. 

Waxaa la geynayaa xarunta Gashora oo ay kaga sii horeeyeen illaa 400 qof oo iyagana Liibiya laga keenay. 

Mashruucan ayaa waxaa iska kaashanaya dowladda Rwanda, UNHCR iyo Midoowga Afrika, waxaana maalgalinta laga heley Midoowga Yurub iyo dowladaha xubnaha ka ah qaarkood oo doonaya in ay ka hortagaan qulqulka tirada badan ee muhaajiriinta. 

Rwanda ayaa ah dalka kaliya ee Afrika ee saxiixay heshiis loogu celinayo qaxootiga Afrika kasoo jeeda, iyada oo heshiis la gashay dowladaha Israa’iil, Britain iyo Midoowga Yurub. 

Weli ma uusan dhaqangalin heshiiskii Ingiriiska sababo la xiriira dacwad maxkamadeed oo laga keenay dadkii UK laga celin lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM