Tahriibeyaal ay Soomaali ku jiraan oo lagu weeraray Tuniisiya

Image
Haween iyo carruur ayaa lagu waramay in ay kamid ahaayeen dadka la beegsaday.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tahriibayaal ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya ayaa lagu weeraray magaalada Sfax ee dalka Tunisia, iyadoo la sheegay in tobaneeyo qof lagu dhaawacay.

Rabshadaha ayaa ka dhashay dilka nin u dhashay Tuniisiya maalintii Isniinta oo ay isku dhaceen dhowr tahriibayaal ah.

Koox aan dowli ahayn ayaa sheegtay in qaar ka mid ah muhaajiriinta laga soo tuuray balakoonnada, kuwa kalena lagu weeraray seefo ayna falalkan yihiin weerarro aargoosi ah.

Haween iyo carruur ayaa ka mid ahaa dadka la beegsaday. Xogta qaar ayaa caddeyneysa in tahriibeyaashan ay ku jiraan qaar Soomaali ah.

Goob joogayaal ayaa tibaaxay in tobaneeyo qof lagu qasbay in ay ka baxaan magaalada, taas oo ah marin muhiim ah oo ay ka dhoofaan dadka doonaya in ay galaan Midowga Yurub iyaga oo u sii socdaalaya jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM