Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa oo soo gaarey Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa shalay [27-ka November] soo gaarey magaalada Muqdisho Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa Jeneraal Thomas D. Waldhauser iyo saraakiil kale.

Taliyaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto, waxaana intii uu ku sugnaa magaalada uu kulamo la qaatey Madaxweyne Farmaajo iyo mas'uuliin wasaaradda difaaca katirsan.

"AFRICOM iyo dowladda Mareykanka waxay taageerayaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo shacabkeeda, iyo sidoo kale AMISOM dedaallada ay ugu jiraan inay ku guuleystaan horumar iyo amni waara," ayuu yiri Waldhauser.

Waldhauser ayaa sheegay in Siyaasadda Arrimaha dibadda Mareykanka, gaar ahaan mida kuwa wajahan Soomaaliya ay ah inay horumariso deganaansho siyaasadeed iyo mid dhaqaale iyo in dalka uu noqdo meel gabaad u ah argagaxisada caalamiga ah.

Tan iyo markii Trump xukunka la wareegay 2017 ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa kordhiyay weerarada duqeymaha ah ee Soomaaliya, kuwaasoo lagu dilay xubno badan oo Al Shabaab katirsanaa.

Mareykanka ayaa tan iyo sanadkii tagey labo Askari looga dilay howlgallo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya, oo ah halka ay ku xoog badan tahay Kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM