Taliyaha cusub ee Liyuu Police oo ka hadlay qodabo muhiim ah

Image

JIGJIGA - Taliyaha cusub ee Liyuu Boolis ee ka hawlgala Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Maxamed Cabdi Mowsar (Maxamed Yare), ayaa ka hadlay markii ugu horeysay qorshayaal isbedal ee uu doonayo inuu degaanka ka hir-geliyo.

Maxamed Yare oo xilkaan loo dhiibay 28-ka bishii lasoo dhaafay ee August ayaa waxaa lagu bedalay Taliyihii Hore ee Ciidamada Liyuu Boolis Cabdiraxmaan Labo Golle, kadib wareegto kasoo baxay Madaxweynaha cusub ee DDSI, Mustafa Maxamed Cumar.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da ayuu ku sheegay Taliyaha cusub ee Liyuu Boolis inuu doonayo in degaanka uu ka hir-geliyo isbedal dhanka amaanka,gaara ahaan in Shacabka aysan dareemin wax baqdin ah, siduu hadalka u dhigay.

Taliyaha cusub ee Liyuu Boolis ayaa meesha ka saarey warar laysla dhex-marayo oo ku saabsan in la kala dirayo ciidamada, isagoo ku nuux-nuux saday inay sii jiri doonaan, isagoo sheegay inay ka digtoonaan doonaan xadgudubyo ka dhan ah Shacabka.

"Sida shaqsi oo marka loo baahdo shaqadda laga eryayo, marka la doonayana la shaqaaleysiinayo ma ahan Ciidamada Liyuu Boolis. Ciidankani waxay ku aas-aasan yihiin xeer, waxayna la mid yihiin kuwa gobolada kale ee dalka, marka la kala diro kuwaasi ayaana la kala dirayaa," ayuu yiri Taliyaha

Ciidamada Liyuu Boolis oo ka kooban 22-kun oo Askari ayaa la aas-aasay 2008-dii, waxayna kusoo eedeeyeen Hay'addaha Xuquuqul Insaanka mudadii uu jiray maamulkii Cabdi Illey, xadgudubyo ka dhan Xuquuqda Aadanaha.

Liyuu oo ah eray asalkiisu yahay af Amxaari ayaa marka la Soomaaliyeeyo wuxuu noqonayaa 'Booliska sida gaarka ah u tababaran', waana magaca loogu yeero dhamaan ciidamadda ka howlgala dowlad degaanada hoos-yimaada dowladda Federaalka Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM