Taliyihii sirdoonka Sudan oo is-casilay xili ay qalasaaso ka jirto dalkaasi

Image

KHARTUUM, Sudan – Taliyihii hay'adda sirdoonka wadanka Suudaan, Gaashaanle Sare Saalax Cabdullaahi Gosh, ayaa lagu waramayaa in uu is-casilay maanta oo Sabti ah.

Gosh ayaa la rumeysan yahay in uu ahaa ninkii dusha kala socday howlgaladii lagu soo qabqabtay dadkii qaybta ka ahaa dibad-baxyadii dhacay.

Dadka xabsiga la dhigay ayaa la sheegay in ay ku jiraan shaqsiyaad dano siyaasadeed laga lahaa, wallow ay dowladdu beenisay.

Kadib in-cilqaab milatari oo ka dhacay wadankaasi todobaadkii hore, waxaa lagu waramayaa in lasoo daayay maxaabiista arrimaha siyasadeed loo xiray.

Is-casilaada Saalax Gosh ayaa kusoo aadaysa xili wadankaasi uu dhexda uga jiro qalalaaso iyo xaalad deganaanshiyo la'aan.

Banaan-baxyada oo lasoo warinayo in ay sidooda u sii socdaan ayaa dadku waxay codsanayaan dowladda cusub ay noqoto mid shacab.

Ninkii hogaaminayay afgambigii dhacay kaasi oo si lamid ahaa madaxa Gole Milatari oo kadib sameysmay, Axmed Cawad Bin Cowf, ayaa isna xilka ka tagay shalay.

Madaxwaynihii ugu waqtiga dheeraa Suudaan, Cumar Al Bashiir oo jagada laga tuuray iyo xubnihii ka akdhowaa ayaa afgambiga kadib la sheegay in la xiray, ayna wajahayaan cadaalad.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Suudaan oo digniin amni loo diray ayaa laga dalbaday in aysan ka qaybgelin mudaaharaadyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM