Taliyihii sirdoonka Sudan oo is-casilay xili ay qalasaaso ka jirto dalkaasi

Image

KHARTUUM, Sudan – Taliyihii hay'adda sirdoonka wadanka Suudaan, Gaashaanle Sare Saalax Cabdullaahi Gosh, ayaa lagu waramayaa in uu is-casilay maanta oo Sabti ah.

Gosh ayaa la rumeysan yahay in uu ahaa ninkii dusha kala socday howlgaladii lagu soo qabqabtay dadkii qaybta ka ahaa dibad-baxyadii dhacay.

Dadka xabsiga la dhigay ayaa la sheegay in ay ku jiraan shaqsiyaad dano siyaasadeed laga lahaa, wallow ay dowladdu beenisay.

Kadib in-cilqaab milatari oo ka dhacay wadankaasi todobaadkii hore, waxaa lagu waramayaa in lasoo daayay maxaabiista arrimaha siyasadeed loo xiray.

Is-casilaada Saalax Gosh ayaa kusoo aadaysa xili wadankaasi uu dhexda uga jiro qalalaaso iyo xaalad deganaanshiyo la'aan.

Banaan-baxyada oo lasoo warinayo in ay sidooda u sii socdaan ayaa dadku waxay codsanayaan dowladda cusub ay noqoto mid shacab.

Ninkii hogaaminayay afgambigii dhacay kaasi oo si lamid ahaa madaxa Gole Milatari oo kadib sameysmay, Axmed Cawad Bin Cowf, ayaa isna xilka ka tagay shalay.

Madaxwaynihii ugu waqtiga dheeraa Suudaan, Cumar Al Bashiir oo jagada laga tuuray iyo xubnihii ka akdhowaa ayaa afgambiga kadib la sheegay in la xiray, ayna wajahayaan cadaalad.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Suudaan oo digniin amni loo diray ayaa laga dalbaday in aysan ka qaybgelin mudaaharaadyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM