Teodore Obiang: Madaxweyne 80 jir ah oo markii 6-aad tartamaya

Image
Ma jirto ma uu doorasho galay oo uu ku guuleystay wax ka yar codad dhan boqolkiiba 93%. 

MALABO, Equatorial Guinea - Waa 80 jir, 43 sano ayuu Madaxweyne kasoo ahaa dalkiisa, markii lixaad ayuu isu soo taagayaa xilka madaxtinimada dalkiisa. 

Waa Teodore Obiang, madaxweynaha Aquatorial Guine , waxaana ansixiyay xisbigiisa oo ah kan keliya ee ka jira nidaamka lagu tilmaamo xisbiyada badan ee dalkaasi. 

Wuxuu xisbiga haystaa 90% kuraasta Baarlamaanka. 

Afhayeen u hadlay xisbiga ayaa sheegay in Me Teodore loo doortay maadaamaa uu yahay nin qibrad badan, shaqadana kasoo dhalaali kara. 

Ma jirto ma uu doorasho galay oo uu ku guuleystay wax ka yar codad dhan boqolkiiba 93%. 

Waxaa lagu eedeeyaa musuq, xariga mucaaradka, doorashada oo la boobo iyo waxyaabo kale. 

Waa dal aad ugu tiirsan shidaalka iyo gaaska, iyada oo lacagta kasoo baxda ay jeebka u gasho in yar, dadka intiisa kalena ay faqri ku noolyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM