Tirada dadka ku dhintey colaada Tigray oo lasoo bandhigay

Image
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay xaqiijin u baahan tahay tirada uu shaaciyey Midowga Afrika.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika ee colaadda Tigray ee Itoobiya, Olusegun Obasanjo, ayaa u sheegay wargeyska Financial Times (FT) in ilaa 600,000 oo qof laga yaabo inay ku dhinteen dagaalka socdey labada sano ah.

Wareysi uu siiyay majaladan laga leeyahay waddanka Ingiriiska ayuu Mr Obasanjo ku caddeeyay in tirada dadka dhaawacyada soo gaarey laga yaabo in ay intaas kasii badan tahay.

Tirada dadka ku dhintay iskahorimaadka ayaa adag in la xaqiijiyo. Cilmi-baadhayaashu waxay hore u qiyaaseen in dhimashadu ay gaadhayso boqollaal kun.

Axadii, FT ayaa ka soo xigatay madaxa guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya, Daniel Bekele, in qiyaasaha ay bixiyeen dhammaan dhinacyada ay u baahan yihiin in si taxadar leh loola dhaqmo, maadaama aysan suurtagal ahayn "in la ogaado tirada buuxda ee dhaawacyada".

Colaadda ayaa bilaabatay Noofambar 2020, markaasoo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu amar ku bixiyay duullaan milateri oo ka dhan ah ciidamada gobolka Tigray - taasoo uu sheegay inay jawaab u tahay weerar lagu qaaday saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Bishii November ee la soo dhaafay, dowladda Itoobiya iyo fallaagada Tigray ayaa kala saxiixday heshiis xabbad joojin ah oo soo afjaraya dagaalka. Heshiiskaas wuxuu abuuray rajo nabad ah hase ahaatee wali looma dhaqaaqin xisaabinta waxyeelada dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM