Tirada dhimashada dagaalka Suudaan oo kor u dhaaftay 600 qof

Image
In ka badan 19 milyan oo qof, ama shan-meelood laba meel dadka Suudaan, ayaa hadda barakac ah, sida ay sheegtay WFP.

KHARTUUM, Suudaan - Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in tirada dhimashada ka dhalatay dagaalka ku dhawaad ​​hal bil ka socda waddanka Suudaan ay kor u dhaaftay 600 oo qof.

WHO ayaa xustey Talaadadii in tiro ka badan 5,000 oo kale ay ku dhaawacmeen dagaalka u dhexeeya millatariga Suudaan, oo uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan, iyo ciidammada gurmadka degdegga ah (RSF) ee oo uu hoggaamiyo General Mohammed Hamdan Dagalo.

Labadan Janaraal ayaa ah xulufo hore oo si wada jir ah u abaabulay afgambi militari oo dhacay Oktoobar 2021 kaas oo meesha ka saaray u wareejinta xukunka rayidka ah ka dib markii 2019 xilka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer Cumar Al-Bashiir.

Xiisada u dhexeysa jeneraalada ayaa sii kordhayay iyadoo la isku khilaafsan yahay sida RSF loogu biirin karo ciidamada iyo cidda kormeeraysa howshaas.

Dib-u-habeynta lagu sameeyay ciidamada ayaa qeyb ka aheyd dadaal lagu doonayay in dalka lagu soo celiyo xukun rayid ah, laguna soo afjaro qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay afgambigii militariga ee 2021-ka.

Heshiisyo xabbad-joojin ah oo soo noqnoqday ayaa ku guul-darraystay inay joojiyaan colaadda ama xitaa inay wax badan ka taraan yaraynta rabshadaha.

Ergooyin ka kala socda labada dhinac ayaa dhowr maalmood ku shirsanaa magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga si ay u soo afjaraan heshiis ku aadan in gargaarka bini’aadantinimo la gaarsiiyo boqolaal kun oo u baahan cunto, hoy iyo daryeel caafimaad oo ku sugan magaalada Khartoum iyo magaalooyinka kale ee dalka Suudaan.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo malafka Suudaan gacanta ku haysa ayaa horay u ballan qaaday in ay siin doonto Suudaan lacag dhan 100 milyan oo doolar oo gargaar ah.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay Talaadadii in ka badan 700,000 oo Suudaani ah ay ka carareen guryahoodii tan iyo markii ay rabshaduhu billowdeen bishii hore - tiradaas oo laba jibaarantay 334,000 oo ay hay'addu sheegtay in ay ku barakaceen todobaadkii hore.

IOM ayaa sheegtay in 100,000 oo Suudaani ah oo dheeraad ah ay ka carareen dalka. In ka badan 19 milyan oo qof, ama shan-meelood laba meel dadka Suudaan, ayaa hadda barakac ah, sida ay sheegtay WFP.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM