Tobban qof oo ku dhimatay dagaalo kasoo cusboonaadey Itoobiya

Image
Xiisada Axmaarada ayaa bilaabatay bishii April, ka dib go'aan muran dhaliyay oo lagu kala diray ciidamada gobolka.

NAIROBI, Kenya - Dagaalo qaraar ayaa markale dib uga qarxay qaar kamid ah degaanada hoostaga gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya kadib todobaad oo ay ka jirtey xasilooni, waxaana lasoo sheegayaa in ugu yaraan 10 qof oo shacab ah ay ku dhinteen.

Dad ku sugan magaalada Debre Tabor ee gobolka Axmaarada ayaa BBC-da u sheegay in dagaal u dhexeeya maleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamada dawladda uu billowday dhamaadkii asbuucii lasoo dhaafay, wuxuuna socday ilaa subaxnimadii Isniinta.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, isbitaalka weyn ee magaalada ayaa soo gaaray burbur kadib markii lagu garaacay madaafiic culus.

Dhaqtarka isbitaalka ayaa BBC-da u sheegay in ugu yaraan shan qof oo booqday bukaannada iyo in ka badan 20 qof oo rayid ah, oo ka ag dhawaa xarunta ay dhaawacmeen. Xiisada Axmaarada ayaa bilaabatay bishii April, ka dib go'aan muran dhaliyay oo lagu kala diray ciidamada gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM