Tuhun ku saabsan afgembi la maleegayo oo gilgilay Burundi

Image
Madaxwayne Évariste Ndayishimiye oo aan magacaabin shaqsiyaadkan ayaa uga digay "in aysan guuleysan doonin".

GITEGA, Burundi - Hadalheyn ku saabsan cidda uu ula jeeday madaxweyne Évariste Ndayishimiye ayuu abuurantay ka dib markii uu ka digay in "dad awoodda leh" oo kamid ah dowladdiisa ay qorsheynayaan afgambi.

Todobaadkii hore, isaga oo ka hadlaya munaasabad uu dhigtey xisbiga talada haya, Mr Ndayishimiye waxa uu ka digay in uu "ka guulaysan doono" shirqool kasta oo isaga ka dhan ah.

“Ma jiraa general ka cabsanaya qof [inqilaab maleegaya]? Waa kuma qofkaasi?”, Madaxweynaha oo ah jeneraal ciidan oo hawlgab ah ayaa sidaas ka yiri xafladan ka dhacdey caasimadda dhaqaalaha ee Bujumbura.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xafiiskiisa warfaafinta kaasoo lagu fahfaahinayo hadalkiisa, mana cadda cidda uu ula jeeday mas’uuliyiinta sarsare ee uu ula jeeday.

Dadka reer Burundi ee baraha bulshadda adeegsada ayaa si maad ah uga falceliyey xogtan, iyagoo xitaa magacaabay dadka ay u malaynayaan inuu madaxweynuhu ka hadlayo.

Mr Ndayishimiye ayaa madaxweyne noqday sanadka 2020 ka dib markii uu geeriyooday hogaamiyihii ka horeeyay ee Pierre Nkurunziza oo 15 sano soo maamulayay dalkaasi.

Tan iyo markii ay xornimada qaateen 1962, Burundi waxaa ka dhacay afar afgembi oo guuleystay, dhowr waa la fashiliyay, iyo hal dil oo madaxweyne. Inqilaabkii dhicisoobay ee 2015 ayaa dalka geliyey qalalaase.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay inay iska difaacayso “duullaan ballaaran” oo Eritrea ku soo qaaday

Dagaallada dib u soo cusboonaaday ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka Geeska Afrika uu galo dagaal ballaaran.

  • Afrika

    10-10-2026

  • 11:27AM

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM