Tuulo Kenya ku taala oo Al-Shabaab u diideen ciyaalki Iskuulada

Image

MANDHEERA, Kenya - Dhawaan ayay ahayd markii maamulka Mandheera ee waqooyi Bari Kenya ay ku dhawaaqeen in xag-jirayaasha Alshabaan ay la wareegeen 60% (lixdan boqolkiiba) gobalka isla markaana ay xaaladu sii adkaanayso.

Tuulada Konton oo dhacda xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa waajahaysa duruufo waxbarasho la'aan kedib markii dowlada Kenya ay horey ugu dhawaaqday in deegaanada xuduudka Soomaaliya ay isaga soo carari karaan cidii ay naftooda khatar ku galayso.

Magaaladaan oo ay ku yaalaa labo iskuulada kuwa hoyga leh ah "Boarding Schools" ayaan midkoodna lagu hoyan.

Jeylaani Cabdi oo kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay" labada Boarding School ayaan qabnaa hal habeen laguma hoyan".

Hal dugsi hoose ayaa ka shaqeeya magaalada taasi oo ka dhigaysa in caruurta marka ay dugsiga dhexe u gudbaan ay deegaanada kale u safraan taasi oo laga yaabo in qoysaskoodu aanay awoodin.

Dadka deegaanka ayaa fariin u diray masuuliyiinta la dokrtat ee ku matala golayaasha Kenya " kolka ay kuuraha raadinayaan meel walba ayay soo maraan hadda kii imaada xitaa Diyaarad ayuu ku yimid kuwa kale maba aysan noo imaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM