Uganda oo qiratay in ciidankeeda rayid ku dileen Soomaaliya

Image

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha dalka Ugaandha Uweri Musafani ayaa qiray in ciidamada Uganda ee ka mid ah howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay dhawaan gobalka Shabeelada hoose ku dileen dad rayad ah.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in falkaan dilka ah ay ciidamadu gaysteen xili sida uus heegay ay caraysnaayeen Isaga intaa raaciyay in xubnaha dilka gaystay la xiray dacwadana lagu soo oogi doono

Yoweri Musavani ayaa sheegay in magdhow ay siinayaan ehalada dadkii ay ciidamadada dalkiisu dilka u gaysteen.

"Dhowaan waxaa na soo gaaray kiis la xirriira dil Soomaaliya ka dhacay, koox ka mid ah askarteena ayaa dad laayay, dhamaan xubnihii falkaas ka dambeeyay waa la xiray dacwad ayaana lagu soo oogay." Ayuu yiri madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

Gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya dhawaan waxaa la sheegay in todobo qof oo rayida isku meel lagu dilay ka dib markii uu dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM iyo Al- Al-shabaab.

BBC

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM