Uganda oo xirtay rag Ayaxa ku iibiyey diyaarad

Image
Muuqaalka laga duubay dhacdadan ayaa si weyn loo wadaagay khadka ilaa usbuucii lasoo dhaafay dhamaadkiisa.

KAMPALA, Uganda - Nin lagu eedeeyay inuu Ayax la shiilay ka iibiyey rakaabkii la socday diyaaradda Ugandan Airlines ayaa boolisku dacwad ku soo oogay isaga iyo nin labaad oo lagu eedeeyay inuu ka duubay muuqaal.

Muuqaalka ayaa si weyn loo wadaagay khadka ilaa usbuucii lasoo dhaafay dhamaadkiisa.

Mubiru Paul iyo Hajib Kiggundu ayaa la xiray Isniintii markii ay ka yimaadeen Dubai waxaana Talaadadii lagu soo oogay saddex dacwadood - abuurista buuq, diidmada in ay raacaan awaamiirta shaqaalaha diyaaradda iyo falalka dayacan ee sababi kara faafitaanka cudur faafa.

Dacwada faafinta cudurada faafa ayaa sababi karta xukun gaaraya ilaa todobo sano, sida ay ku warantay majaladda Daily Monitor.

Shirkadda diyaaradaha ee Uganda Airlines ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeertay hab-dhaqanka aan wanaagsanayn, waxaana warbaahinta maxalliga ah ay sheegtay in shaqaalaha qaarkood shaqada laga joojiyay.

Hase yeeshee, Diyaaradda Uganda ayaa sheegtay inay ka fiirsan doonto inay Ayaxa ku darto liiska cunnada haddii la codsado, iyadoo xustay farxadda rakaabka inta lagu jiro duulimaadka ay muhiimad weyn u leeyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM