Uhuru iyo Abiy Axmed oo ka degay Eritrea, lana kulmay Afewerki [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ASMARA, Eritrea - Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maanta oo Axad ah gaarey dalka Eritrea, oo sanadkii 2018 bog cusub u furay xiriirka dalalka gobolka.

Uhuru iyo Abiy oo Labo diyaradoo ku kala tagey magaaladda Asmara ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne Isaias Afewerki iyo mas'uuliyiin kale oo dowladdiisa katirsan.

Lama oga waxay salka ku hayso booqashada, balse qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel ayuu ku sheegay in saddexda hogaamiye ay kawada hadlayaan xiriirka dalalkooda u dhaxeeya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Eritrea ayaa sanadkii tagey heshiis taariikhi ah oo nabadeeda la gashay Itoobiya, kaasi oo lagu soo afjaray colaaddii labada dalka u dhaxeeysay mudo 20 sano, waxayna isku fureen xuduudaha isku iyo socodka shacabka labada dhinac.

Abiy Axmed ayaa labo jeer booqday Asmara sanadkii tagey, balse Uhuru ayaa u ah markii ugu horeysay iyadoo dalkiisana uusan kamid ahayn wadamada gobolka ee iskaashiga cusub u billowday, kuwaasoo kala ah; Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM