Uhuru Kenyatta oo aan ku soo dhoweyn garoonka diyaardaha madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya

Image

NAIROBI- Ra’isal Wasaarada Itoobiya oo uu weheliyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa makhribnimadii Talaadada ka dagay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi hakaas uu damacsan yahay inuu dib u soo celiyo xiriirkii diplomaasiyeed ee labada dal.

Bishii la soo dhaafey ayay aheyd markii dalka Kenya u yeeratey safiirkeedii ka joogey Muqdisho halka ay Nairobi ka eridey Ambasador dalka Soomaaliya u fadhiyey dalkaas. Dowlada Kenya ayaa talaabadas ay qaadey ku sheegtey, kadib markii Villa Soomaaliya xaraashatey ceelal shidaal oo ku yaal dhul badadeed labada dal ku muransan yihiin.

Maxkamada caalamiga ah ( ICJ ) ee Hague ayaa waxay go’aan ka gaareysa dacwad dalka Soomaaliya ku xereeyey sanadkii 2014 kadib markii uu burburey wadahadal labada dal damacsanaayeen iney heshiis kaga gaaraan dhul badeeed baaxadiisu gaareyso 100,000 square km.

Maxaa laga sugayaa in wadahadlkaaa ka soo baxaan ?

Xafiiska RW Itoobiya ayaa sheegey in wadahadalka madaxda Kenya iyo Soomaaliya ujeedkiisu yahay sidii hoos loogu dhigi lahaa xaalada diplomaasiyeed oo kacsan.

Abiy iyo Farmaajo ayaa iska raacey magaalo madaxda dalka Itoobiya Addis Ababa kadib markii wadahadal ku yeesheen halkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaciisa maalintii shalay tweet gareeyey in booqashada uu ku tagey Nairobi tahay sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka labada dal (Kenya iyo Somalia) islamarkaana loo adkeyn lahaa. 

Halka Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu la kulmay RW Abiy aabuucii la soo dhaafey labo jeer ( Addis Ababa iyo Asmara ), kama soo xaadirin garoonka diyaardaha Nairobi markii ay yimaadeen labadaan hogaamiye ( Abiy iyo Farmaajo ). 

GAROWE ONLINE : Xuquuqda way dhowaran tahay 

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM