Uhuru Kenyatta oo gaarey Addis Ababa iyo ujeedka socdaalkiisa

Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa saaka oo Jimco ah waxa uu ka degay magaaladda Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Kenyatta iyo wafdiga uu hogaaminayo.

Kulan ayaa la filayaa in labada mas'uul ee ugu sareysa dalalkaan dhaca Geeska Afrika ay yeeshaan saacadaha soo aadan.

Kenyatta iyo Abiy Axmed ayaa ka wada hadli doona arrimo ku xeeran ganacsiga gobolka iyo fursadaha maal-gashiga.

Socdaalka Kenyatta oo noqonaya midkii ugu horeeyay ee booqasho rasmi ah oo you Ku tago Itoobiya tan iyo markii Abiy Axmed xafiiska la wareegay April, 2018 ayaa imaanaya iyada xiisad diblomaasiyadeed dalkiisa kala dhaxeeya Soomaaliya.

Labada wadan ee dariska ah ayaa isku haya lahaanshiyaha ceelala shidaal oo laga helay sohdin badeedka ay wadaagaan.

Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa horey ugu heshiisyey Iskaashi Saddex Geesood ah oo ku saabsan ganacsiga, amniga iyo dhaqaalaha.

Kenya iyo Jabuuti oo aan qayb ka ahayn iskaashigaasi ayaa la fahansan yahay in Abiy Axmed uu ku dedaalayo sidii uu ugu soo biirin lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM