UK oo $120 Million ugu deeqday Soomaaliya iyo AMISOM

Image

NAIROBI - Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday taageero maaliyadeed oo siineyso dalka Soomaaliya iyo howlgalka Nabad-illaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, kaasoo tobban sano jirsaday.

Ra'iisul Wasaaraha UK, Theresa May oo booqasho ku timid Kenya, oo ay wadahadalo kula yeelatay Madaxwayne Uhuru Kenyatta waxay shaacisay inay qayb ka tahay deeqdaan kaalmo ay caalamka siinayaan.

Lacag ay dunida uqorsheysay dowladeeda ayay ku sheegtay $120 milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah, taasoo 30 milyan oo Dollar oo kamid ah loogu deeqay dowladda Soomaalia, halka AMISOM lagu tabarucay 9 milyan.

Socdaalka ay Theresa May ku timid dalka Kenya, halkaasoo si wayn loogu soo dhaweeyay ayaa ka dhigaya masuulkii ugu horeeya ee xilkaas haya ee yimaada wadanka Kenya muddo ku dhow 30-sano ah.

Ra'iisul Wasaare May inta ay joogtey Kenya waxay booqatay saldhig ay ciidamada Ingiriiska ku leeyihiin Nairobi halkaasoo ay tababaro ku siiyaan ciidamo ka tirsan Kenya oo dagaalanka Al-Shabaab ka qayb qaata.

Al-Shabaab ayaa ah halista ugu wayn oo ay Kenya wajaheyso, waxaana ay ka fuliyeen degaano iyo degmooyin ka tirsan wadankaan weeraro dhimasho badan sababa, inta badan Askarta ayey beegsataa.

Shalay oo Arbaco ahayd weerar Miino loo adeegsaday ayaa lagu dilay gobolka Xeebta leh ee Lamu, waxaana dhabarka saaratay masuuliyadda falkaas kooxda gacan saarka la leh Shabakadda Al-Qaacidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM