UN-ka oo baaq kasoo saarey wadahadalka xiisada wabiga Nile

Image
Mashruuca biyo-xireenka ee Niilka Buluugga ah ayaa xiisad ka dhex abuuray Itoobiya iyo dalalka dariska la ah.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Qaramada Midoobey ayaa ku boorrisay Itoobiya, Masar iyo Suudaan in "waqtiga macquulka ah" ay dib u bilaabaan wadahadallada lagu xalinayo muranka biyo-xireenka Nile.

Bayaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii lagu xusay in saddexda dal ay tahay inay dib ugu bilaabaan wadaxaajoodka casuumaada ay ka heleen guddoomiyaha Midowga Afrika

Martiqaadka ayaa daaran in "si degdeg ah loosoo afmeero qoraalka heshiiska labada dhinacba la isku raacsan yahay ee ku qotoma buuxinta iyo ka shaqeynta biyo -xidheenka".

15-ka waddan ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka Jamciayda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa sidoo kale ku casuumay goobjoogayaal ay aqbali karaan saddexda dal inay taageeraan geeddi-socodka.

Mashruuca biyo-xireenka ee Niilka Buluugga ah ayaa xiisad ka dhex abuuray Itoobiya iyo dalalka dariska la ah, iyadoo Masar iyo Suudaan ay ka walwalsan yihiin abaaro iyo ammaanka biyaha.

Masar waxay u aragtaa arrin jirta maadaama ay ku dhawaad ​​gebi ahaanba ku tiirsan tahay biyaha wabiga. Itoobiya ayaa u aragta biyo xireenka inuu yahay mid koronto u gaarsiin kara malaayiin shacabkeeda ah.

Biyo-xireenka ayaa ku dhow inuu dhammaado waxaana la filayaa inuu billowdo soo saarista 750 megawatts oo koronto ah bil gudaheed. Sidoo kale, waxaa la filayaa in si rasmi ah loo daafuro sanadka 2023-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM