Ururka Midowga Afrika oo ku biiri doono wadamada G20

Image

NEW DELHI, Hindiya - Wakaalada wararka ee Bloomberg ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah, in Kooxda labaatanka G20 ay ku heshiiyeen in Midowga Afrika la siiyo xubinnimada joogtada ah ee kooxda.

Waxay intaas ku dartay in tallaabadani ay siin doonto ururka Midowga Afrika maqaam la mid ah kan Midowga Yurub. Midowga Afrika ayaa haatan ku jooga shirka G20 magaca "Urur caalamiga ah".

Warbixinta ayaa lagu sheegay in madaxda G20 la filayo inay ku dhawaaqaan go’aankan inta lagu guda jiro shir madaxeedka ka dhacaya Hindiya maalmo gudahood.

Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, oo codsaday inaan la aqoonsan, tallaabadan ayaa qayb ka ah olole lagu doonayo in dalalka Afrika cod xooggan laga siiyo arrimaha caalamka, sida isbeddelka cimilada.

Kooxda Labaatanka (G20) ayaa ah gole caalami ah oo kulmiya wadamada aduunka ugu waaweyn ee horumaray iyo kuwa dhaqaalahoodu soo korayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM