Volker Perthes: Suudaan oo ceyrisay wakiilkii Qaramada Midoobay

Image
Hoggaamiyaha Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa dhawaan ku eedeeyay Mr Perthes inuu hurinayo colaadda dalkaas.

KHARTUUM, Suudaan - Dowladda Suudaan ayaa ku dhawaaqday in ay go'aansatay in ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalkaas, Volker Perthes, ay erido una qabatay muddo 24-saac ah in uu ku baxo.

Perthes ayaa waxaa lagu soo rogay "persona non grata", taasoo la macno ah in wixii haatan ka dambeeya aysan u aqoonsanayn jagada uu ka hayo Suudaan.

“Dowladda Jamhuuriyadda Sudan waxay ku wargelisay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay inay ku dhawaaqday in Mr Volker Perthes uu yahay persona non grata laga bilaabo maanta," ayay wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay hadal ay soo saartay.

Mr Perthes ayaa Khamiistii ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu uga socday wadahadallo diblomaasiyadeed, sida lagu sheegay bogga Twitter-ka ee howlgalka Qaramada Midoobay.

Madaxa ciidamada qalabka sida ee Suudaan - ahna hoggaamiyaha dhabta ah ee Suudaan - General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa dhawaan ku eedeeyay Mr Perthes inuu hurinayo colaadda dalkaas.

Al-Burhan ayaa waxa uu dalbaday in Perthes lagu badalo. Hase ahaatee, Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeys ayaan jawaab rasmi ah waxa aysan ka bixin eedeymaha loo jeediyay diblumaasigan.

Ka hor inta uusan bilaaban bishii Abriil iska-horimaadka u dhexeeya milatariga iyo xoogaga kasoo horjeeda, qeybo kamid ah Suudaan waxaa ka dhacay mudaaharaadyo lagu cambaareynayo "faragelinta shisheeye".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM