Waa tuma haweenayda uu Trump la cajabay xirfadeeda kubada cagta?

Image
Image

HARERA, Tanzania - Kubada cagta waa xirfad ay caan ku yihiin ragga, hasayeeshee, waa jira dumar xirfad ahaan lala barbar dhigo karo ragga.

Haweenka darajadaasi u qalma waxaa kamid ah Hadhara Charles Mjeja, taasoo u dhalatay wadanka Tanzania ee qaarada Africa.

Hadhara ayaa soo jiidatay indhaha caalamka, markii muuqaal kooban oo ay kusoo bandhigeyso xirfadeeda uu qabsaday baraha bulshada.

Dadka ka fal-celiyay waxaa kamid ah Madaxwaynaha Mareykanka, Donald Trump, kaasii ka cajabay bandhig ciyaareedkeeda.

Ciyaaryahanadaan ayaa kasoo muuqatay muuqaalka, iyada oo si heer sare ah u baleejeyneysa [mooleysaneysa] Banooniga.

"Cajiib," waa ergayga kaliya ee uu Trump ku qiimeeyay xirfada sare ee Hadhara, taasoo loo fasiray in uu Madaxwaynuhu ka helay.

Hadhara, oo bilowday dheelista kubada cagta iyada oo yar, ayaa sheegeysa aad u raaxeysato.

Waxay booqatay dalal kala duwan oo Africa ah halkaasoo jidadka ay kusoo bandhigtay hibadeeda ciyaareed.

Wareysi ay siisay BBC-da ayay ku sheegtay in ay rajeynayso in heer caalami ay ka gaarto kubadda cagta ama ay noqoto ciyaaryahan caalami ah.

Sikastaba, Hadhara Charles Mjeja oo haatan ah 29-sano jir ayaa la sheegayaa in hadii ay sii wado dadaalkeeda ay gaari karto riyadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM