Waa tuma haweenayda uu Trump la cajabay xirfadeeda kubada cagta?

Image
Image

HARERA, Tanzania - Kubada cagta waa xirfad ay caan ku yihiin ragga, hasayeeshee, waa jira dumar xirfad ahaan lala barbar dhigo karo ragga.

Haweenka darajadaasi u qalma waxaa kamid ah Hadhara Charles Mjeja, taasoo u dhalatay wadanka Tanzania ee qaarada Africa.

Hadhara ayaa soo jiidatay indhaha caalamka, markii muuqaal kooban oo ay kusoo bandhigeyso xirfadeeda uu qabsaday baraha bulshada.

Dadka ka fal-celiyay waxaa kamid ah Madaxwaynaha Mareykanka, Donald Trump, kaasii ka cajabay bandhig ciyaareedkeeda.

Ciyaaryahanadaan ayaa kasoo muuqatay muuqaalka, iyada oo si heer sare ah u baleejeyneysa [mooleysaneysa] Banooniga.

"Cajiib," waa ergayga kaliya ee uu Trump ku qiimeeyay xirfada sare ee Hadhara, taasoo loo fasiray in uu Madaxwaynuhu ka helay.

Hadhara, oo bilowday dheelista kubada cagta iyada oo yar, ayaa sheegeysa aad u raaxeysato.

Waxay booqatay dalal kala duwan oo Africa ah halkaasoo jidadka ay kusoo bandhigtay hibadeeda ciyaareed.

Wareysi ay siisay BBC-da ayay ku sheegtay in ay rajeynayso in heer caalami ay ka gaarto kubadda cagta ama ay noqoto ciyaaryahan caalami ah.

Sikastaba, Hadhara Charles Mjeja oo haatan ah 29-sano jir ayaa la sheegayaa in hadii ay sii wado dadaalkeeda ay gaari karto riyadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM