Wadahadalkii Itoobiya iyo Jabhad OLA oo soo idlaadey heshiis la'aan

Image
Shirka ayaa waxaa martigelisay Tanzania iyadda oo uu garwadeen ka ahaa Midowga Afrika.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Wareegii koowaad ee wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Jabhadda Oromada ee OLA ayaa la soo gebagebeeyey Arbacadii iyadoo aan heshiis la gaarin, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Itoobiya.

La-taliyaha amniga qaranka Redwan Hussien oo qoraal kooban soo saarey kadib dhamaadka shirka ayaa sheegay in wada-hadallada ay si weyn u ahaayeen “kuwa wax dhisaya” oo furmay dabayaaqadii bishii hore.

"Nasiib darrose suurtagal ma ahayn in heshiis laga gaaro arrimaha qaar inta lagu guda jiro wareegan wadahadalka," ayuu Redwan ku soo qoray Twitter.

"Dawladda iyo kooxda fallaagada ahi waxay qireen baahida loo qabo in la sii wado wadahadalladan iyadoo la eegayo in colaadda lagu xalliyo si joogto ah oo nabad ah," ayuu yidhi.

Redwan Hussien waxa uu hoosta ka xariiqay in dawladiisu ay ku celinayso sida ay uga go’an tahay in si nabad ah lagu xaliyo khilaafka sida uu qabo dastuurka Itoobiya.

OLA waxa ay sheegtay in isfahan laga gaaray arrimo taagan balse "nasiib darro, ma suurtagelin in heshiis laga gaaro arrimaha siyaasadda ee muhiimka ah inta lagu guda jiro wareegtada wadahadallada."

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa dabayaaqadii bishii April ku dhawaaqay wadahadal uu la yeelanayo ururka OLA – oo ah jabhad firfircoon oo ka shaqeysa gobolka ugu weyn uguna dadka badan dalkaasi ee Oromia.

Sannadkii hore, wada-hadallo nabadeed oo u dhexeeyay dawladda Itoobiya iyo jabhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa mira dhal noqday iyadoo dhinacyadii dagaallamayay ay ku heshiiyeen heshiis nabadeed oo ka dhaca Koonfur Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM