Wadahadalo u bilowday dowladda Itoobiya iyo Jabhada Oromada

Image
OLA oo ah jabhad hubaysan kana soo jeeda gobolka Oromada ayaa dagaal kula jira Addis Ababa tan iyo 2018-kii.

NAIROBI, Kenya - Wajigii koowaad ee wada-hadallada dowladda Itoobiya iyo jabhadda Oromada ee OLA ayaa Talaadadii ka furmay dalka Tanzania, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay afhayeen u hadlay jabhadda.

Labada dhinac ee colaadda ay ka dhaxeysay muddo sanado ah ayaa wada-xaajoodkoodu yahay horudhac waxaana uu ka ka bilowday ismaamulka Zanzibar, sidda laga soo xigtey afhayeenka OLA, Odaa Tarbii.

"Wadahadalladan bilowga ah waxaa loogu talagalay in lagu yagleelo aas-aaska doodo ballaaran mustaqbalka dhow," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in Kenya iyo Norway ay dhexdhexaadinayaan.

"Dhiirada waxaa saaran markan waa kalsooni dhisida iyo cadeynta boosaska," ayuu sii raaciyey. Dowladda Itoobiya ee fadhigeedu yahay Addis Ababa ayaan wali ka hadlin dhacdadan taariikhiga ah.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa todobaadkii hore waxa uu ku dhawaaqay in wadahadalka OLA uu furmi doono Talaadada, balse ma uusan bixin wax faah faahin ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Tanzania Stergomena Tax oo la hadlay warbaahinta Talaadadii shalay ayaa sheegtay in ay aqbaleen codsi ku aadan marti gelinta wada hadalada, wufuudda qaarna ay bilaabeen in ay yimaadaan.

OLA oo ah jabhad hubaysan kana soo jeeda gobolka Oromada ayaa dagaal kula jira Addis Ababa tan iyo 2018-kii oo ay kala jabeen Jabhadda Xoraynta Oromada ee OLF markii ay ka tanaasuleen halgankii hubaysnaa.

Oromia ayaa ku hareeraysan magaala madaxda Addis Ababa waana gobolka ugu weyn uguna dadka badan Itoobiya, waxaana sanadihii ugu dambeeyay ka dhacayay xasuuqyo qoomiyado ah oo ay fuliyeen kooxo aan la garanayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM