Wafdi sare oo ka socda Midowga Africa oo yimid Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi balaaran oo ka kooban 27 xubnood oo ka socda Gollaha Amniga iyo Nabada ee Midowga Afrika ayaa maanta oo Isniin ah waxay kasoo dageen madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Danjiraha Jabuuti ufadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika, Maxamed Idris, ayaa hogaaminayay wafdiga oo ujeedkoodu yahay qiimayn ay ku sameeyaan xaaladda amni iyo mida siyaasadeed ee wadanka uu marayo.

Wasiiru dowladaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabduqaadir Axmed Khery, wakiilka midowga Afrika ufadhiya ahna madaxda howlgalka AMISOM, Francisco Madeira, iyo xubno kale ayaa wafuudo kusoo dhaweeyay dalka.

Wafuudo oo muddo 3-maalin ku sugnaan doonta dalka waxay kulamo la qaadan doonan, masuuliyiinta dowlada, maamulada, hogaanka AMISOM, madaxda Qaramada Midoobay iyo saaxiibada Soomaaliya.

Wadahadaladda ayaa diirada lagu saari doonaa horumarka laga sameeyay qaraarkii Gollaha Amaanka ee UN-ka, kaasi oo masuuliyada amniga AMISOM ugu wareejineyso ciidamada Soomaaliya sanadka 2020-21.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu xusay in wafuudo ay si lamid ah kala xaajoon doonan dhinacyadda ay la fariisanayaa qorshaha amniga qaranka, midka kala guurka iyo dhisitaanka ciidanka xooga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM