Walwal lasoo darsay Xildhibaan ay gurigiisa u dhaceen dabley

Image

NAIROBI, Kenya – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka degaanka Bumula ee dalka Kenya ayaa waxaa habeenkii Talaadada u dhacay hoygiisa dabley.

Warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas ayaa kusoo waramaysa in mudanaha uu xiligaasi ka maqnaa gurigiisa, balse uu kusoo wajahnaa.

Tuugada oo la sheegay in ay hubeysnayd ayaa sumeysay Ey uu lahaa Mwambu Mabonga xili ay burburiyeen iridka aqalka.

Si lamid ah burcadda ayaa lasoo warinayaan in ay qaataan talafishin gaar ahaan nooc uu cabirkoodu dhan yahay 32 inchi.

Booliska tuuladaasi ayaa u sheegay wariyaasha in labo ruux oo uu mid kamida yahay ilaalada guriga loosoo xiray dhacdadaasi.

Mwambu Mabonga ayaa suxufiyiinta u sheegay in falkaasi uu ahaa mid isaga la doonayay in lagu khaarijiyo.

Waxa uu carabka ku dhuftay in siyaasiyiin tuuladaasi ku nool ay isaga horey ugu goodiyeen in ay geeri u horseedi doonan.

Dowladda ayuu ka codsaday in ay sugto nabad-gelyadiisa, isla markaana ciidamo horleh loosoo daabulo gurigiisa.

Dhacdooyinka noocaan ah oo ay xukuumada Nairobi uu caal-la'dahay ayaa mudooyinkii dambe aad ugu soo banayay gudaha dalka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM