ًWaqtigii loo qabtay ka bixitaanka ciidamada Faransiiska ee Niger oo dhamaaday

Image

NIAMEY, Niger - Waxaa Maanta ku eg waqtiga kama dambaysta ah ee uu golaha militariga ee talada haya ee Niger u qabtay in ciidamada Faransiiska isaga baxaan dalkaas.

Shalay ayay ahayd markii xubno ka tirsan golaha militariga ay ka qeyb galeen banaanbaxyo ka dhacay afaafka hore ee saldhiga ciidamada Faransiiska ku leeyihiin magaalada caasimadda ah ee Niamey, kaasoo lagu dalbanayay in ciidamada Faransiiska laga saaro dalka Niger. Banaanbaxayadan ayaa la filayaa in uu maanta galinka dambe gaaraan heerkii ugu sareeyay.

Golaha militariga ee Niger ayaa wajahaya hanjabaado uga imaanaya Faransiiska, waxaana laga yaabaa in hanjabaadahaasi ay horseedi karaan iska horimaad toos ah oo dhexmara labada dal.

Dadka Siyaasadda indha indheeya ayaa ka baqaya in dalalka gobolka ay ku biiraan dagaalkaas oo uu isu rogo dagaal goboleed saameeya qaaradda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM