Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Sudan

Image

KHARTOUM — Wadahadallo u dhexeeya Ra'iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok iyo hoggaamiyeyaasha afgambigii millatari ee October 25 ayaa horumar laga sameeyay, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay ilo ku dhow Hamdok.

Il-wareed labaad ayaa sheegay in Sudan ay dhawaan dhisi karto gole cusub oo maamul kaasi oo ka koobnaan doona 14 xubnood, waxayna noqoneysaa tallaabadii u horeysay ee militariga ee ku aadan dhismaha hay’ado cusub oo ku meel-gaar ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Khamiistii la hadlay madaxa ciidamada Abdel Fattah al-Burhan, isagoo ku booriyay in uu soo celiyo dastuurkii dalkaasi, iyo hannaankii KGM ahaa.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken iyo Burhan oo Khamiistii wadahadal ku yeeshay telefoonka ayay isku raaceen baahida loo qabo dardargelinta dhismaha dowlad, sida uu sheegay xafiiska Burhan

“Labada dhinac ayaa isla gartay in loo baahan yahay in la ilaaliyo tubta kala guurka ah ee dimoqraadiyadda, dhameystirka haykalka KMG ah iyo in la dardargeliyo dhismaha dowlad” ayuu xafiiska Burhan ku yiri qoraal uu soo saaray.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Blinken uu ku booriyay Burhan in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee xiran tan iyo afgenbigii militari, iyo in ay dib “ugu soo laabtaan wadahadal ah in shaqadiisa uu ku soo laabto Ra'iisul Wasaare Hamdok, dibna loo soo celiyo maamulkii ay rayidku hoggaaminayeen ee Sudan.”

Qaramada Midoobay ayaa isku dayeysay in ay dhexdhexaadiso sidii loo soo afjari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay afgambigii lagu xiray siyaasiyiintii ugu sarraysay ee rayidka ah, iyadoo Xamdook-na la geliyay xabsi guri.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Sudan, Volker Perthes, ayaa sheegay in wada-hadallada ay ka soo baxeen qodobbada heshiis suurtagal ka dhigaya in dib loogu laabto awood qaybsigii, oo ay ku jirto in ra’iisulwasaarihii la riday howshiisa sii wato.

REUTERS

Related Articles

In ka badan 100 caruur agoon ah loo sameynayo aroos wadareed

Talaabadan ayaa carro xooggan waxa ay ka dhalisay guud ahaan waddanka Nigeria.

  • Afrika

    18-05-2024

  • 03:35AM

Itoobiya oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aan lagala tashan hadalada kasoo yeeray Washington.

  • Afrika

    17-05-2024

  • 03:43AM