Wararkii ugu dambeeyey baaritaanka weerarkii Nairobi [Dhageyso]

Image

NAIROBI, Kenya - Muddo todobaad ah ayaa laga joogaa markii weerar qarax ku billowday ay rag hubeysan ku qaadeen hotel-ka Dusit D2 ee magaalada Nairobi.

Weerarkan oo mas'uuliyadiisu sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu dilay 21 qof, oo labo kamid ah u dhasheen Mareykanka iyo Canada, iyadoo boqolaal lagu dhaawacay.

Waxaa fuliyay weerarka 5 dabley ah, oo labo kamid ah la sheegay inay Somalia kasoo jeedaan, halka kuwa kalena ay ahaayeen Kenyan Al Shabaab xag-jireysay.

Mid kamid ah raggan, oo lagu magacaabi jiray Mahir Khalid Riziki ayaa isku dhex qarxiyay Hotel-ka, waxaana kuwa kale toogasho ku dilay ciidamada amaanka dalka Kenya kadib howlgal saacado badan qaatey.

Mas'uuliyiinta dalka Kenya ayaa in ka badan 10 qof u xirxiray weerarkaas, kuwaasoo 5 kamid ah dhawaan Maxkamad lasoo taagey, iyagoo lagu eedeeyay inay gacan siiyeen raggii weeraray hotel-ka.

Dusit D2 hotel oo uu leeyahay Ganacsade u dhashay Thailand ayaa ahaa goob caan ah, oo ka kooban xafiisyo, Makhaayad iyo meel ay degan yihiin hay'addo iyo dad kale oo maal-qabeenno ah.

Wuxuu ahaa weerar qaatey 20 saacadood oo noqday midkii 3aad oo Al Shabaab ka fuliso Kenya tan iyo 2013, iyadoo lagu soo beegay sanad-guuradii saddexaad ee dhacdadii Ceel-Cadde.

Dhinaca kalena saraakiisha Kenya ayaa wacad ku maray inay ka hortagayaan in weeraro kale dalkaasi ka dhacaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM