Wariye xabsi loo dhigay gabar laga sii daayey telefishin

Image
Gabayga oo ah mid caan ah ayaa lagu diidayaa "kaligii-taliyayaasha Carabta iyo sida ay ula dhaqmaan dadkooda".

TUNIS, Tunisa - Mas'uuliyiinta Tuuniisiya ayaa xiray wariye markii uu martigeliyey Abwaan gabar ku saabsan "kaligii-taliyayaasha Carabta iyo sida ay ula dhaqmaan dadkooda" uu telefishanka ka tiriyey.

Amer Ayad - oo ah daadihiyaha barnaamijka caanka ah ee HADALKA ee TV-ga Zitouna - ayaa lagu eedeeyay isaga iyo shaqsiga uu marti-qaadey inay "wiiqeen amniga gobolka".

Mas'uuliyiinta ayaa loo maleynayaan in ay rumaysteen in saxafigu uu madaxweyne Kaid Saied la barbar-dhigayo diktaarooradda isagoo akhrinaya gabayga Axmed Matar.

Wariye kale oo saaxiib la ah Amer Ayed ayaa bartiisa gaarka ah ee  Twitter-ka wuxuu ku xaqiijiyay xarigiisa wuxuuna daaha ka rogay inuu soo laaban doono isagoo xoog badan.

TV-ga Zitouna ayaa aad u dhaleeceeyay madaxweyne Saied tan iyo markii uu shaqada ka joojiyay baarlamaanka tallaabadaas oo ay mucaaradka ku tilmaameen "afgambi iyo ku tumasho dastuurka".

Xiritaanka Mr Ayad ayaa ah falkii ugu dambeeyay xarig is-xigxigay oo lala beegsaday saxafiyiin iyo xildhibaanno muujiyey sida ay uga soo horjeedaan tallaabooyinka madaxweynaha.

Dhanka kale, diyaarad Helicopter ah ayaa ku dhacday Gabes, oo ku taal koonfur-bari Tunisia, waxaana ku dhintay saddex askari, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Talaadadii.

Dhacdadan ayaa dhacday intii lagu jiray dhoolatus milatari oo qabsoomay xilli habeennimo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dawladdu, iyada oo soo xiganaysa afhayeenka Wasaaradda Difaaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM