Madaxwaynihii ciidamadda Kenya kusoo daabulay Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Waxaa Jimcihii lasoo dhaafay soo gabagabowday nolasha madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki oo ahaa hogaamiyihii ugu mudada dheeraa Bariga Afrika, isagoona xilal kala duwan kasoo qabtay dalka.

Kibaki oo ku yeeriyooday da’da 91 ayaa siyaasadda ku biiray sannadii 1963 waxuuna markii ugu horeysay noqday kaaliye wasiir ka dib markii uu ka soo qaatay Jaamacadda Makerere shahaadada heerka 1-aad ee digriiga.

Takhasuskiisa ayaa ahaa dhaqaalaha waxaana aad loogu xasuustaa sidii wanaagsaneed ee uu sare ugu soo qaaday dakhliga dalka Kenya intii uu xilka hayey.

Wadada siyaasadda Kibaki ayaa ahayd mid fudud waxaana loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka dalka sanaddii 1978 ka dib geeridii ku timid madaxweynihii ugu horeeyay ee Kenya, Jomo Kenyatta. Waxa uu 10 sano la shaqeeyay Daniel Arap Moi iyagoona waqtigoodu dhammaaday 1989-kii.

Kibaki ayaa lagu xasuustaa in ay aad ooga go’neyd in uu mar un ku guuleysto kursiga ugu sareeyo ee dalka waxa uuna laba jeer usoo tartamay madaxweynimo doorashooyinkii 1992 iyo 1997 isagoo labaduba guuldaraystay.

Sidoo kale waxa uu laba jeer ku guuleystay doorashooyinkii 2002 iyo 2007, waxa uuna fursad u helay in uu hogaamiyo dalka illaa 2013-da.

Marka laga soo tago rabshadihii ka dhashay doorashadii 2007-da, waqtiyadda adag ee Mwai Kibaki waxaa ka mid ahaa markii uu ciidamada difaaca Kenya u diray dalka dariska ah ee Soomaaliya isaga oo ku qasbay, cunaqabateynna saaray si ay u baacsadaan xoogaga Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Kibaki ayaa ku amray Milatariga Kenya in ay gudaha u galaan Soomaaliya iyagoo ka qayb qaadanaya hawlgalka loogu magacdaray Linda Nchi, oo macnihiisu ahaa “Difaac Dalka”.

Ujeedka hawlkan ayaa ahaa in ay Al-Shabaab kula dagaalamaan gudaha dalka Soomaaliya si aysan awood oogu yeelanin in ay weeraro ka fuliyaan Kenya.

Ciidamada Kenya ee loo yaqaanno KDF ayaa sannad ka dib la wareegay gacan ku haynta magaalada Kismaayo iyagoo markaas qayb ka ahaa hawlgalkii Midowga Afrika ee AMISOM ee hadda lagu badalay ATMIS.

Tirada ciidamada KDF ee Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa ilaa 3,500 oo askari. Inkastoo Al-shabaab laga yaabo inaan si buuxda looga adkaan, haddana go'aanka Kibaki ee uu sida geesinnimada leh u difaacay Soomaaliya ayaa ah mid ka mid ah xilliga ugu weyn ee uu caawiyey wadanka Soomaaliya.

Dabayaaqada sanadkan, ATMIS waxa la filayaa in ay hoos u dhigto ciidamada jooga Soomaaliya ka hor inta aan si buuxda loogu wareejinin Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed [SNA] masuuliyadda amniga.

Waxaa la filayaa in ciidamada ATMIS ay u adeegi doonaan Soomaaliya 33-ka bilood ee soo socda ka hor inta aysan ka bixin dalka.

Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhibaatadu ka dhacday, ayaa tacsi u diray Kenya iyo qoyskii uu ka baxay madaxweynihii hore.

“Waxaan si weyn uga murugooday geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki. Anigoo ku hadlaya magaca shacabkayga, waxaan jeclaan lahaa inaan dhambaal tacsi ah u diro Madaxweyne Kenyatta iyo shacabka Kenya. xilligan murugada iyo dhibka badan," ayuu yiri.

"Anigoo ka murugeysan geerida ku timid Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Kenya H.E.Mwai Kibaki, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, asxaabta, shacabka iyo dowladda Kenya xilliyadan imtixaanaadka ah," ayuu hadalkiisa ku daray Shariif Sheekh Axmed oo noqday madaxweynaha Soomaaliya intii lagu guda jiray hawlgalkii ciidamada Kenya ku soo galeen dalka.

Kibaki ayaa loo samayn doonaa aas qaran waxaana la filayaa in maydkiisa uu yaalo aqalka madaxtooyada ilaa inta laga diyaarinayo aaskiisa.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo shaqada ka fadhiisanayo bisha Ogoosto ee soo socota, ayaa shaaciyey geerida Jimcihii, isagoo ku dhawaaqay xaalad baroor diiq oo laba maalin ah.

“Anigoo marqaati ka ah qaddarinta aadka u sareysa ee dhammaan dadka Kenyaanka ah ay u hayaan shaqsiyadda iyo xusuusta Madaxweyne Mwai Kibaki, qaranku waxuu qaban doonaa laba maalin oo baroor diiq ah taas oo ka bilaabaneyso maanta illaa ay qoraxdu ka dhaceyso ee maalinta aaskiisa,” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta

aaska Mr Kibaki ayaa noqonaya aaskii toddobaad ee Kenya, balse waa kii saddexaad ee si buuxda loo maamuuso.

Labada qof ee kale ee loo sameeyay aaska sida weyn loo soo agaasimay waa Madaxweynihii ugu horeeyay, Jomo Kenyatta 1978-kii iyo madaxweynihii labaad, Daniel Moi bishii Febraayo, 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Martha Karua oo laga masaafuriyay Tanzania iyadoo dooneysay inay daawato maxkamadeynta Tundu Lissu

Waxaa muuqata in xiisadda siyaasadeed ee Bariga Afrika ay sii xoogeysaneyso xilli ay soo dhow yihiin doorashooyin kala duwan oo muhiim ah.

  • Afrika

    19-05-2025

  • 07:52AM

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM