Weerar ay Al-Shabaab u maleegtay mashruuc oo "la fashiliyey"

Image
Mashruucaan ayaa lagu waramay in ay ku baxeyso aduun lacageed dhan hal milyan doolarka Mareykanka.

NAIROBI, Kenya - Saraakiisha amniga Kenya ayaa ka hortagay "weerar argagixiso" oo ka dhan ah mashruuc lagu maalgelinayo in ka badan $1 milyan, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Weerarkan ayaa la fashiliyay kadib markii la xiray muwaadin Kenyan ah oo ku sugnaa ismaamulka Tana River, kaasi oo la rumeysan yahay inuu xogta mashruuca la wadaagay maleyshiyaadka Al-Shabaab.

"Xogta illaa hadda laga qoray latuhunsanaha waxay xaqiijineysaa macluumaad ay dhowaanahan helayeen booliska oo ah in uu Al-Shabaab lacag laga badalanayey macluumaadka," ayuu qoray Kenyans.com.

Mashruuca la aaminsan yahay in weerarka loo maleegayay ayaa ah Lamu Port South Sudan Ethiopia Transport (LAPSSET) Corridor lagana fulinayo gobolada Waqooyi Bari, Tana River iyo Lamu.

"Ujeedada weerarka waxay tahay in la carqaladeeyo mashruucan iyo qorsheyaasha kale ee ku saabsan arrimaha horumarinta gobolka," ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxdey laamaha ammaanka.

Eedeysanaha oo magaciisa aysan wali soo bandhigin hay'adaha nabad-gelyadda ayaa lala xiriiriyay weeraro hore oo lagu qaaday dhismaha LAPSSET oo saddex mooto lagu gubay, laguna dilay 7 qof oo rayid ah.

Al-Shabaab ayaa joogitaan culus ku leh qeybo kamid ah waddanka Kenya. Dabley ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa Isniintii Jubada Hoose ku dilay saddex askari oo u dhalatay Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay inay iska difaacayso “duullaan ballaaran” oo Eritrea ku soo qaaday

Dagaallada dib u soo cusboonaaday ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka Geeska Afrika uu galo dagaal ballaaran.

  • Afrika

    10-10-2026

  • 11:27AM

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM