Weerar lagu qaadey xaruumaha Sirdoonka dalka Sudan

Image

KHARTOUM - Iyadoo la afgembiyay, oo xukunka awood loogala wareegay Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa haddana waxaa wali ka socda dalka Sudan dibadbaxyo iyo rabshado ka soconaya magaalooyinka waaweyn.

Dibadbaxayaal careysan ayaa weerarey xafiisyo ay hay'adda Sirdoonka Qaranka Sudan ku leedahay magaalooyinka Port Sudan iyo Kassala, oo dhaca bariga dalkaasi, sida ay Goobjoogiyaal sheegeen.

Boqolaal dhigayay banaanbax ayaa ka qeybgaatay weerarka xaruumaha NISS ee Port Sudan, iyagoo sidoo kale burbur u geystay dhismaha hay'adda ku leedahay Kassala.

Maxaa ka dhacay Sudan?

Wasiirka Gaashaandhigga Sudan, Cawad Bin Cawf ayaa shaaciyay in Madaxweyne Cumar Al-Bashiir la geliyay xabsi guri, islamarkaana dalka lagu soo rogay Bandow oo billaabanaya 10pm illaa 4am.

Cawad ayaa ku dhawaaqay in Sudan oo ka dhacay afgembi ka dhan ah Madaxweyne Al-Bashiir, iyadoo xukunka ay la wareegeen ciidamada, waxaana la kala diray labada Aqalka ee Baarlamaanka [Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare].

Wasiirka ayaa sheegay in la dhisay Golle Militeriga oo KMG ah oo dalka sii maamuli doono labada sano ee soo socota, iyadoo wadanka Sudan saddex bilood la geliyay xaalad degdeg ah.

Al-Bashir ayaa xukunka afgembi kula wareegay 1989, isagoo dalka kusoo xukumayay mudo 30 sano ah.

Shacabka Sudan ayaa ka welwelsan in xaaladda dalkooda noqoto "kud ka guur, oo qanjo u guur" madaama aysan noqon sidii ay rabeen oo militeriga awoodda la wareegay, islamarkaana aan xukunka gacantooda ku jirin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM