Weerar lagu qaadey xero barakac oo galaaftey in ka badan 40 qof

Image
Falaagada CODECO waxay ku andacoonaysaa inay beesha Lendu ka ilaalinayso qolo kale, Hema, iyo sidoo kale ciidanka DRC.

NAIROBI, Kenya – In ka badan 40 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla waqooyi bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), sida ay sheegeen mas’uuliyiin maxalli ah iyo dad goobjoogeyaal kala duwan ah.

Richard Dheda, oo ah sarkaal ka tirsan maamulka deegaanka Bahema Badjere ee dhulka Djugu ee gobolka Ituri ee DRC, ayaa sheegay in weerarka ka dhacay xerada Lala aroornimadii Isniinta ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan isbaheysiga maleeshiyooyinka ee lagu magacaabo Iskaashatooyinka Horumarinta Congo (CODECO).

CODECO waxay ku andacoonaysaa inay beesha Lendu ka ilaalinayso qolo kale, Hema, iyo sidoo kale ciidanka DRC.

Dheda ayaa wakaaladda wararka ee AFP ka soo xigatay in ugu yaraan 41 qof ay ku dhinteen weerarka lagu qaaday xerada oo ku taal meel 5km u jirta Buule oo ah goobta ay ku sugan yihiin ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.

Maki Lombe, oo ah goobjooge, ayaa sidoo kale u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inuu arkay "in ka badan 40 mayd" oo dhulka daadsan. Waxa uu XUSAY in uu kU badbaaday in uu baxsadAy habeenkii.

CODECO ayaa waxay si joogta ah u beegsatay xeryaha barakaca. Ku dhawaad ​​60 qof ayay ku dishay xero kale oo ku dhow Buule sanadkii hore, taasoo ka mid ah xasuuqii ugu xumaa ee ay ka geysatay.

Toddobaadkii hore, dagaalyahannada CODECO ayaa weerar ku qaaday tobanaan ciidan oo ku sugnaa aagga Djukoth ee dhulka Mahagi ee gobolka, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan toddobo qof oo rayid ah. Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha waxay si xoogan u cambaareeyeen falkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM