Wiil darbi jiif ah oo sabab cajiib ah maxkamad loogu soo taagay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi caasimadda dalka Kenya waxaa kasoo muuqday wiil darbi jiif ah, kaasi oo loo haysto dambiyo ay kamid tahay arrin cajiib ah.

Seth Otieno ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in uu dil ugu hanjabay cunug 8-sano jir ah, kaasoo uu ka dalbay fal anshax darro ah.

Sidda laga soo xigtay dacwad oogayaasha, Otieno ayaa ku qasbay ilmaha yar in uu gadaal kaga galmadoodo kadib cagajugleyn cabsi gelisay ubadka.

Dhibanaha ayaa xiligii waxyeeladaan loo geysanayay wuxuu kusii jeeday guriga adeerkiisa, oo ay dan ka gashay.

Dhibaato caafimaad ayaa wiilka yar kasoo gaartay arrintaan, taasoo kolkii dambe looga daaweeyay isbitaal ku yaalla caasimadda.

Xeeb-geetada ayaa ku xukuntay eedaysanaha in uu bixiyo ganaax lacageed 2, 978 oo dollar, waxayna amartay in lagu sii daayo damaanad lacageed oo gaareysa 2,481 oo dollar-ka Mareykanka ah.

Seth Otieno oo beeniyay in uu sameeyay dhamaan dambiyadaasi ayaa codsaday in si deg deg loosii daayo, maadaama uusan awoodin in uu bixiyo lacagtaasi garka loo geliyay.

Dadwaynaha reer Nairobi ayaa aad u hadal-haya kiiskaan, iyaga oo is-waydiinaya hadii wiilka uu helay cadaalad loona qabtay qareen ka difaaca dhamaan eedaymaha loo jeediyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM