Wiilka Museveni oo ku goodiyey in uu madaxwayne noqonayo

Image
Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa aalaaba buuq ka dhex-abuura mareegga Twitter-ka.

KAMPALA, Uganda - Wiilka uu dhalay madaxweynaha mudada dheer xilka hayay ee Uganda Yoweri Museveni ayaa mar kale kiciyay hadal heynta ah in uu xilka kala wareegi doono aabihiisa.

Gen Muhoozi Kainerugaba ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in uu "ugu abaal-gudi doono [hooyadiis] sharafta badan" in uu noqdo madaxweynaha waddanka.

Museveni oo ah aabaha dhalay Muhoozi ayaa xukunka hayay tan iyo 1986-kii, waxaana marar badan la hadal hayay in Gen Kainerugaba loo diyaarinayo inuu xilka ka badalo.

Bishii May ee sanadkan, Jeneraalkan awooda badan ayaa bartiisa Twitter-ka wuxuu dadka ku waydiiyay in dadku ay u malaynayeen inuu u tartamayo xilka madaxtinimada.

"Mucaaradka Uganda, aabbahay ka dib, si xun ayaan idiinkaga adkaan doonaa doorasho kasta, dadka Uganda waxay i jecel yihiin in ka badan sidii ay weligood ii jeclaayeen," ayuu tibaaxay.

48-jirkan kuma cusba doodahan noocaan ah oo uu ka sameeyo mareegta siyaasada lagu qaadaadhigo ee Twitter-ka dhowr jeer ayuuna sidaan oo kale ku kacay fal buuq abuuray.

Bilowgii bishii Oktoobar, ayuu ku hanjabay in uu ku duuli doono dalka deriska ah ee Kenya, taasoo keentay in raaligelin dadweyne laga bixiyo iyo kulamo dublamaasiyadeed si loo xaqiijiyo xiriirka.

Ka dib markii madaxweyne Museveni uu amray in uu joojiyo faallooyinka ku saabsan siyaasadda iyo dawladda ee Twitter-ka, Gen Kainerugaba wuxuu yiri "qofna waxba kama joojin isaga".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM