Wiilka Qadaafi oo lumiyay xaqa ka qeybgalka doorashada Libya

Image

TRIPOLI — Guddiga doorashada Liibiya ayaa Arbacadii sheegay in Saif al-Islam Gaddafi, oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore, isla markaana ahaa musharrax miisaan leh ee doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay dhacdo bisha December, aanu u tartami karin doorashada.

Diidmada guddiga doorashada ayaa sii kordhinaysa qalalaasaha ku gadaaman codbixintan.

Qadaafi waxa uu ka mid ahaa 25 musharrax oo guddiga doorashada ay go’aan hordhac ah ku kala reebeen ilaa inta laga gaarayo hannaanka racfaanka ee garsoorka dalkaasi uu go'aan uga gaarayo, waxaana doorashadan markii hore isku diiwaangaliyay 98 musharrax.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in Qadaafi uu lumiyay xaqa ka qeybgalka doorashada, maadaama lagu helay dambi, waxaana maxkamad ku taal Tripoli ay ku xukuntay dil isaga oo maqan sanadkii 2015-kii, kadib markii lagu helay dambiyo dagaal oo uu galay intii uu socday kacdoonkii looga soo horjeeday aabihiis Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii.

Saif al-Islam Gaddafi ayaa dafiray inuu sameeyay wax khalad ah.

Musharaxa kale ee caanka ah, Khalifa Haftar, ayaa la sheegay inuu haysto dhalasho Mareykan ah, taasoo sidoo kale meesha ka saari karta musharraxnimadiisa.

Dad badan oo ku nool galbeedka Liibiya ayaa sidoo kale ku eedeeyay Haftar inuu galay dambiyo dagaal intii lagu jiray weerarkii Tripoli ee 2019-20, hase yeeshe wuxuu isna inkiray inuu heysto dhalashada Mareykanka iyo inuu geystay dambiyo dagaal.

Reuters.

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM