Ruto oo aqoonsiga kala noqdey 'gobol' gooni-isu-taag ah

Image
Madaxweynaha Kenya ayaa talaabadan qaadey "isaga oo qadarinaya qaab-dhismeedka Qaramada Midoobay".

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne William Ruto ayaa si rasmi ah wuxuu shaaca kaga dhigay in Kenya ay ka noqotey xiriirkii ay la lahayd Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Carabta ee Sahrawi Arab Democratic Republic (SADR).

Go’aanka Ruto ayaa yimid maalin kadib xafladiisa caleema saarka, oo uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha SADR ninka lagu magacaabo Brahim Ghali. Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Carabta ee Sahrawi (SADR) waa dawlad qayb ahaan la aqoonsan yahay oo u ololaysa in ay madaxbannaani ka hesho Morocco.

Isagoo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka Arbacadii, Sebtembar 14, ayuu madaxweyne Ruto ku sheegay in uu xiriirka u jaray ‘gobolkaas’ isaga oo durba bilaabay in uu ka tirtiro joogitaankeeda Nairobi.

"Kenya waxay ka laabatay aqoonsiga SADR waxayna billowday tillaabooyin lagu burburinayo joogitaanka hay'addaheeda ee dalka," ayuu Ruto ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Hadalkan ayuu shaaciyey wax yar un ka dib markii uu dhambaal hambalyo ah ka helay Maxammed VI, boqorka Morocco. Laba saacadood ka dib, Madaxweynuhu waxa uu boggiisa Twitter-ka ka masaxay qoraalkii uu ku qoray Facebook-ga.

"Kenya waxay taageertaa qaab-dhismeedka Qaramada Midoobay oo ah habka gaarka ah ee xal waara loogu heli karo muranka Saxaraha Galbeed," ayuu raaciyay.

SADR waxa ay sanado badan u dagaalamaysay in ay xornimo ka qaadato Marooko oo ay ka hesho Saxaraha Galbeed. Waxay gacanta ku haysaa qayb ka mid ah Saxaraha Galbeed oo ku taal bari ee darbiga waddanka Morocco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM