William Ruto oo difaacay hoos-u-dhac ku yimid miisaankiisa

Image
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in talaabadan uu ku ilaalinayo caafimaadka jirkiisa.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in hoos-u-dhaca ku yimid miisaankiisa ku ilaaliyo jirkiisa kadib markii shacabka baraha bulshada ku muujiyeen walaac ku saabsan caafimaadka William Ruto.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay warbaahinta Axaddii, madaxweyne Ruto ayaa waxa uu shataxaad kooba ku bixiyey inuu iska riday culeys ku kordhay xilligii ololaha ee 2022-dii.

Muddadaas ayuu hoosta ka xariiqay in uu jiray cadaadis badan oo mararka qaarkood u horseeday cunnida burka oo kamid ah waxyaabaha sababa cayilka shaqsiyaadka.

Mr Ruto oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in uu xoogaa miisaankiisa dhimay kadib markii uu dib-u-bilaabay barnaamijkiisa jirdhiska, cuntada iyo fayoqabka.

"Aniga oo eegaya dabeecadda shaqadeyda, waa in aan hubiyaa feejignaanta dhanka caafimaadka," ayuu hoosta ka xariiqay Ruto oo si weyn u difaacay hoos-u-dhaca miisaankiisa.

Qayb ka mid ah shacabka Kenya ayaa arkay in madaxweyne Ruto uu miisaankiisu hoos u dhacay bilo kadib markii uu xilka kala wareegay madaxweynihii ka horreeyay Uhuru Kenyatta.

Qaar kamid ah dadka uga falceliyey baraha bulshadda ayaa ku doodey in laga yaabo in Ruto uu xanuunsanayo. Hase ahaatee, dadka kasoo horjeeda aragtidiisa ayaa ku naqdiyey in amdaxweynaha uu kaliya iska riday cayilka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM