Wufuud ka socota Somalia, Ethiopia iyo Eritrea oo kulamo kawada Jabuuti

Image
Image
Image
Image

JABUUTI - Wasiiradda arrimaha dibadda dalalka Somalia, Eithiopia iyo Eritrea ayaa maanta oo Khamiis ah gaarey Jabuuti, waxaana loo sameeyay soo dhaweyn ballaaran.

Wafuuddan heerka wasiir oo kasoo ambabaxay magaalada Asmara ayaa waxay la kulmayaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo isku dayaya inay dhabaha u xaaraan wadahadal dhexmara Jabuuti iyo Eritrea.

Safarka Wasiirada ee Jabuuti ayaa ka dambeeyay markii Madaxweniyaasha Eritrea iyo Somalia oo uu whelinayo Ra'iisul Wasaaraha Eithiopia ay ku kulmeen magaalada Asmara habeenimadii xalay, halkaasoo heshiis is-kaashi dhaqaale ku gaareen.

Kadib Kulankooda, Farmaajo, Afwerki iyo Abiy Axmed ayaa dhisay gudi heer wasiirro ah, oo ka kooban Axmed Ciise Cawad, Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, dhigiisa Eritrea Cismaan Saalax iyo kan Eithiopia Workneh Gebeyehu.

Wasiiradda ayaa la filayaa in kulankooda Ismaaciil Cumar Geelle ugu gudbiyaan fariinta madaxda ku kulantay Asmara, waxaana wararku ay sheegayaan inay ka shaqeynayaan wadahadal dhex-mara Jabuuti iyo Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM