Wufuud ka socota Somalia, Ethiopia iyo Eritrea oo kulamo kawada Jabuuti

Image
Image
Image
Image

JABUUTI - Wasiiradda arrimaha dibadda dalalka Somalia, Eithiopia iyo Eritrea ayaa maanta oo Khamiis ah gaarey Jabuuti, waxaana loo sameeyay soo dhaweyn ballaaran.

Wafuuddan heerka wasiir oo kasoo ambabaxay magaalada Asmara ayaa waxay la kulmayaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo isku dayaya inay dhabaha u xaaraan wadahadal dhexmara Jabuuti iyo Eritrea.

Safarka Wasiirada ee Jabuuti ayaa ka dambeeyay markii Madaxweniyaasha Eritrea iyo Somalia oo uu whelinayo Ra'iisul Wasaaraha Eithiopia ay ku kulmeen magaalada Asmara habeenimadii xalay, halkaasoo heshiis is-kaashi dhaqaale ku gaareen.

Kadib Kulankooda, Farmaajo, Afwerki iyo Abiy Axmed ayaa dhisay gudi heer wasiirro ah, oo ka kooban Axmed Ciise Cawad, Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, dhigiisa Eritrea Cismaan Saalax iyo kan Eithiopia Workneh Gebeyehu.

Wasiiradda ayaa la filayaa in kulankooda Ismaaciil Cumar Geelle ugu gudbiyaan fariinta madaxda ku kulantay Asmara, waxaana wararku ay sheegayaan inay ka shaqeynayaan wadahadal dhex-mara Jabuuti iyo Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM