Xaaladda cudurka Ebola ee Uganda oo waji kale yeeshay

Image
Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in Uganda ay diiwaangelisay in ka badan 150 xaaladood.

KAMPALA, Uganda - Uganda ayaa saddex toddobaad ku kordhisay xayiraadaha lagu soo rogay laba degmo oo xudunta u ah faafitaanka cudurka Ebola kaasoo galaaftay nolosha in ka badan 50.

Talaabadan oo ay baahisay warbaahinta dowladda iyo tan maxaliga ah ee waddankan ayaa waxay imaanaysaa iyada oo horey loo hakiyey isu-socodka iyo goobaha dadweynaha.

Tan iyo markii cudurkan uu ka dilaacay degmada Mubende 20-kii Sebtembar, cudurkan ayaa ku fiday guud ahaan dalka Bariga Afrika oo ay ku jirto caasimadda Kampala.

Konton iyo kow dhimasho ah ayaa la soo wariyay Sabtidii, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Uganda kuwaasoo tibaaxay in kiisaska ay intaas kasii kordhi karaan maalmaha soo aadan.

Nooca cudurka ee hadda ku faafaya Uganda ayaan lahayn wax tallaal ah, inkastoo ay jiraan dhowr tallaal oo tijaabo ay ku socoto. Tani waxay sarre u qaadi kartaa cabsida in uu sii faafo.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa horey u sheegay in Uganda ay diiwaangelisay in ka badan 150 xaaladood oo la xaqiijiyey iyo suurtagalnimada in ay jiraan 64 dhimasho ah.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa bandow 21 maalmood ah geliyey Mubende iyo Kassanda Oktoobar 15-keedii, laakiin wuxuu sheegay in xannibaadaha waddanka oo dhan aan loo baahnayn.

Sabtidii, wasiirka caafimaadka Ruth Jane Aceng ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP in "xayiraada la saarey degmooyinka Mubende iyo Kassanda ... la kordhin doono 21 maalmood oo kale".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM