Xaaska ninkii abaabulay weerarkii DusitD2 oo Soomaaliya ku sugan

Image

NAIROBI, Kenya – Dowlada Kenya ayaa xog dheeraad ah ay ka bixisay weerarka bishii Janaayo 2019 lagu qaaday dhismaha DusitD2 oo ka kooban huteelo iyo xafiisyo ay degan yihiin hay’addo caalami ah.

Maalinta xigtay oo lasoo afjaray ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyootay 21 ruux. Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida oo sheegatay waxay tilmaamtay in uu jawaab u ahaa aqoonsashada Trump ee Quddus.

Cali Saalim Gichunge ayaa loo yaqaano Faaruuq ayaa la rumeysan yahay in uu ahaa maskaxdii isku daba riday weerarkaasi oo ay fuliyeen Shan ruux – mid is-qarxiyay iyo afar dabley oo gudaha dhismaha gashay.

Afhayeenka xukuumada Nairobi ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in xaaska Cali oo reer Kenya ah taasi oo door ku lahayd duulaankaasi ay u baxsatay dhinaca Soomaaliya laba maalmood kahor inta aan la fulin howlgalkaasi.

Violet Kemunto ayaa la aaminsan yahay in Faaruuq ay isku guursadeen gudaha Soomaaliya inkasta oo aanan la ogayn halka ay rasmi ahaan isku barteen maadaama xogta laga hayo ay kooban tahay.

Sida laga soo xigtay xogo dhinaca sirdoonka ah, Cali Saalim oo ka tirsanaa Al-Shabaab mudo laba sano ah ayaa laba maalin kahor weerarka tagay Soomaaliya.

"Xogta aan hayno waxay sheegaysaa in ay u baxsatay dhinaca Soomaaliya … fahfaahinta dhib ayaan kasoo sheegi doonaa," ayuu yiri afhayeenka, oo aan carabaabin magaalada ay ka joogto Soomaaliya.

Kemunto oo kasoo jeedo qoys diinta Islaamka haysta ayaa ku lahayd magaalada Nairobi goob lagu iibiyo agabyada ay dumarka isticmaalaan, sida dahabka, halkaasi oo ay nolol-maalmeedkooda ay ka heli jireen.

Weerarkii DusitD2 ayaa tooshka ku ifiyay dul-duleelada wali ka jira hay’addaha sirdoonka Kenya gaar ahaan ka hortegista howlgalada noocaasi ah, inkasta oo la sheegay in xogta ay hayeen balse aysan dadka u soo bandhin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Koongo oo kahor tagay afgambi lagu sameyn lahaa Madaxweynaha

Tani waxay ku soo beegantay iyadoo ay xiisad ka taagan tahay xisbiga talada haya ee Madaxweyne Felix Tshisekedi.

  • Afrika

    19-05-2024

  • 12:12PM

In ka badan 100 caruur agoon ah loo sameynayo aroos wadareed

Talaabadan ayaa carro xooggan waxa ay ka dhalisay guud ahaan waddanka Nigeria.

  • Afrika

    18-05-2024

  • 03:35AM