Xabad-joojintii looga dhawaaqay gobolka Tigray oo burburtey

Image
Tani ayaa ka dambeysay markii xukuumadda Abiy Axmed ay guluf cusub maanta ka bilowday ismaamulkaas.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ciidamada Itoobiya ayaa weerar dhulka ah ku qaaday askar kasoo jeeda gobolka woqooyiga Tigray Isniintii, sidda uu tibaaxay maamulka gobolka uu dagaalku hareeyay ee TPLF.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda ayaa sheegay in ciidanka - oo ay weheliyaan cutubyo kasoo jeeda waqooyiga Amxaarada - ay bilaabeen weerarka si ay ciidamada Tigreega uga saaraan Amxaarada subaxnimadii.

Xafiiska arrimaha dibadda ee Tigray ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in duqeymaha cirka, duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo duqeymaha culus ay sidoo kale ku dhaceen dhowr goobood.

Billene Seyoum, afhayeenka ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo la weydiiyay in hawlgal cusub la bilaabay iyo in kale, ayaa sheegtay in dowladda Itoobiya ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay muwaadiniinteeda ku sugan dhammaan qeybaha dalka ka ilaaliso falal kasta oo "argagixiso” ah".

"Dowladda Itoobiya waxay sii wadi doontaa ka hortagga burburinta, rabshadaha iyo dilalka ay kooxda TPLF ka waddo gobolka Amxaarada iyo meelo kaleba," ayay raacisay, iyadoo aan wax faahfaahin ah bixin.

Gulufka cusub ayaa burburiyay xabbad-joojintii ay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday bishii Juun markii ciidamadeedda federaalka ay ka soo baxeen gobolka waqoyga dalkaas dhaca ee Tigreega.

Ciidamadda ayaa tan iyo bishii November halkaas waxay ku baacsanaayeen hoggaamiyeyaasha Tigreega oo talada waddanka hayey muddo 27-sano ah ka hor inta uusan Abiy Axmed xilka qaban sanadkii 2018-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM