Xabsigii Mandela oo habeenkii lagu seexanayo $250,000

Image

JOHNSBURG - Sida laga sheegay Bandhig-carweed lagu qabtay South Africa, Xabsigii uu ku jiray 27-ka sano Hogaamiyihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela, ayaa hadda la kireynayaa, iyadoo habeenkii lagu seexanayo $250,000.

Ujeedka laga leeyahay mashruucaan oo ay soo qaban-qaabisay Hay'adda CEO Sleepout, ayaa waxaa uu yahay in lagu xuso maalinta Mandela, taasoo ku beegan 18-ka bishaan July, iyadoo guud ahaan wadanka Koonfur Afrika laga xusi doono.

Nelson Mandela ayaa ugu ku xirnaa Xabsigan oo ku yaalla Jaziiradda Robben Island oo 7-KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Camp Town, inuu si wayn uga soo horjeeday nidaamkii midab-takoorka South Africa, oo cadaanka gumeysan jiray.

Xabsigaan oo ka kooban 67 qol oo Jiif, ayaa waxaa Halkii qol yaala 3 Sariir, iyadoo meesha uu ku yaalo ay ku hareereysan yihiin Biyo, iyadoo qaabka lagu tegi karo ay tahay in la raaco doon, waxaana ku nool Jaziirad dad tiro badan.

Hay'adda Dhaqanka, Waxbrashadda iyo Cilmiga ee Qaramadda Midoobay [UNESCO], ayaa u aqoonsatay Jaziiradaan meel taariikhi ah, kana mid ah goobaha loo dalxiistago ee caalamka.

Sanadihii u dambeeyay dadka ayaa kasoo baracakayey Jaziiradan, kadib markii ay lasoo deriystay biyo yaraan, maadaama ay noqotay meel lagu keydiyo Biyaha macaan, iyadoo xitaa caasimadda Cape Town, looga keeno biyaha qiimo aad u sareeya.

Mandela ayaa geeriyooday sanadkii 2013-kii, isagoo 93 sano jir ah. Xuskiisa ayaa la filayaa in meelo badan oo dadka u dhashay South Africa ay joogaan lagu qabto.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM