Xasan Sheekh oo ka hadlay siyaasadda arrimaha dibada dowladiisa

Image
Image
Hadalkan ayaa imaanaya xilli dhaliilo loo jeediyey go'aano dowladdu qaadatay muddooyinkii dambe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey Danjire Swan doorka uu ka qaatay taageerada dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhankiisa, Swan oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, taas oo ku saleysan in danaha dadka Soomaaliyeed lagu xaqiijiyo iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhaliilo ay hareeyeen siyaasadda arrimaha dibadda ee maamulka Xasan Sheekh gaar ahaan go'aano maalmihii ugu dambeeyay uu qaatay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab-istaag u muujisay boqortooyadda Sacuudiga kadib markii uu Mareykanka cadaadis xooggan uga yimid markii Riyadh ay taageertey qorshe lagu dhimayo wax-soo-saarka shidaalka, go'aan u adeegaya Ruushka oo wajahaya carro caalami ah kadib duulaanka Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM